Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ogolaaday In La kala Qaado Labada Doorasho

0
947
Golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Baarlamaanka Somaliland oo ayaa fadhigigoodii shalay cod aqlabiyad ah ku meelmariyay go’aankii madaxweynaha ee ahaa in dib loo dhigo doorashada barlamaanka balse tan madaxweynuhu ku dhacdo waqtigii loogu tala galay ee March 2017.

 

Fadhiga baarlamaanka oo uu gudoominaayay gudoomiye xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka soo xaadiray 59 mudane.

 

Waxa in doorashada la kala qaado ogolaaday 52 xildhibaan, waxaana diiday 5 xildhibaan, laba xildhibaana way ka aamuseen.

 

Mudane Baashe Maxamad Faarax oo codeyntu kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in go’aankan golaha ka soo baxay loo gudbin doonno maxkamadda sare, kadibna golaha guurtidu qiimeyn doonaan wakhtiga ugu haboon ee doorashada wakiiladdu dhici doonto.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here