Guurtidda Oo Ku Baaqay In Laga Shaqaysiiyo Idaacadii Radio Hargeisa Oo Fadhiisatay

0
669

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in  wasaaradda warfaafintu ay  ka shaqaysiisaa idaacadii weynayd ee dalka iyo dibada-ba laga dhegaysan jiray.

Idaacadaasi oo muddo ku dhaw sanad fadhida oo aan shaqaynin, isla markaana si weyn looga dareemay dalka gudihiisa iyo diabdiisaba.

Waxa kaloo ay golaha Guurtidu ka dalbadeen wasaaradda warfaafinta Somaliland  in ay samayso barnaamijyo tayaysan oo la xidhiidha diinta, dhaqanka iyo wadaniyadda.

Fadhigii maanta ee golaha Guurtidda oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa fadhiga laga hor akhriyay soo jeedimaha guddiyadda shuruucda, arrimaha bulshadda iyo xeerar  dhawra oo  u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Xeerarkaasi oo ay ka mid yihiin xeerka wado marista, xuduudaha, xeerka jinsiyadaha iyo  in la dedejiyo xeerka saxaafadda Somaliland oo khataro fara badan ku haya nabadgeliyadda dalka.

Sidoo kale  waxaa golaha laga hor akhriyay tallo soo jeedinta guddiga nabadgelyadda iyo difaaca ee golaha Guurtidda Somaliland.

Halkan Ka Daawo Guurtidda Oo Arrimahaas Laga Hor Faahfaahiyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here