BERLIN- Waxa manta oo Axad ah kudhawaqday inay xilki gudomiye nimo iska casishay Andrea Nales oo ahayd Gudomiyaha Xisbigi wadankan germany ugu wayna taarikh ahan Sozialdemokratische Partei (SPD) Marwo ANDREA NAHLES waxay xilka haysay mudo sanad kudhaw 2018-2019
Waxa kasii horeyay oo isna iska xasilay kursigan Martin Schulz oo isna hayay mudo aan ka badnayn Sanad 2017-2018.
Waxa Hoos u dhac wayni ku yimid taagerayashi xisbiga kaas oo dorashadi ugu danbaysay ee Parlamanka iyo dawladaha hoose Uu keenay natijo ku noqotay xisbiga Dhulgariir iyado inti uu helay dorashadi ka horaysan tan uu hoos ka maray 17%🔻.
Waxa xisbigu u kala fadhiya laba garab oo waawayn kuwaso isku Haya xukumada Angela Merkel Hogamiso inay kala noqdan kalsonida dhamana ka baxan Xukumada Merkel hogamiso Madama axsaabta xukumada soo dhistay Qayb kayihin xisbiyada CDU/CSU oo dhinac ah iyo SPD Social Democratic Party.
Iyo Garab kale oo leh yanaynu ka bixin xukumada wadaga ah hadi aaynu ka baxno xukumada wadaga ah waxa dhici donta inago aan ka diyaar garobin in dorsho wakhtigedi laga soo hormariyay dalka ka dhacdo taasina fa’ido inoguma jirto wakhti xaadirkan.
Angela merkal Xisbigeda Christian Democratic Union (CDU) iyo Xisbigay wadaaga kula tahay xukumada ee Christian Social Union (CSU) kaaso u kasoo jedo wasirka Arimaha gudahu Mr: Horst Seehofer.
waxay geed dheer iyo mid gabanba u korayan sidi xukunka usii hayn lahayen Merkel ilaa 2021 Lakin hada go’anku wuxu ku xidhan yahay Xisbia SPD Iyo go’anka uu qaato Shirkoda malinka Salasada 04 June.
Dorasho wakhtigedi laga soo hormariyay xisbiga kaliyata ee Hada Fa’ido ugu Jirta waa Xisbiga Bündnis 90/Die Grünen.
Xisbigani labadi dorasho ee ugu danbeyay wuxu kasoo hoyay guulo aad u waawayn ilaa uu soo galay kalinta sadexad ee axsabta wadankan ugu awoda badan Halku marki hore ka ahan jiray xisbi yar oo deeganka iyo dadka Laga tirada badan yahay udooda sida qoxotiga iyo xuquqda hawenka.
Waana xisbi aad u furfuran marka laga hadlayo siyasada dadka qoxotiga ah.
Shakur Shire -Germany