Ganacsatada Qaadka Somaliland oo War Cusub Soo Saaray

0
1139

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha guddiga Ganacsatada Qaadka ee Somaliland Maxamuud Muuse Cige Daa’uus, ayaa war cusub ka soo saaray arrintii Qaadka Itoobiya ee ay hore u sheegeen inay joojinayaan.

Guddomiyaha ganacsatada Qaadka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu shaaciyay in ay muddo ku dareen wakhtigii ay hore u sheegeen inay Qaadka Itoobiya joojinayaan, taasi oo ku beegnayd maalinta berrito ah.

Waxaanu guddoomiyuhu sababta ay muddada ugu kordhiyeen Qaadka ay ka keenaan Itoobiya uu ku sababeeyay, kadib wadahadal uu sheegay inay socdaan iyaga iyo Ganacsatada Qaadka Itoobiya.

Sidoo kale, guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Somaliland, ayaa baaq u diray xukuumadda Somaliland, isagoona ugu baaqay inay soo faro-geliso arrintan.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Qaadka Somaliland, ayaa hore u shaaciyay inay joojinayaan Qaadka Itoobiya ay ka keenan, kadib markii uu sheegay in Kilidhka Afraad iyo Shanaad ee Itoobiya ay Cashuur aan jirin oo dulsaar ah uu midkiiba gaarkii ugu kordhiyay.

Waxaana uu sheegay in Cashuurtii hore ee dowladda dhexe ee Itoobiya ay isku qabteen ee laga daayay in hada dib loo soo celiyay oo Kiiloogiiba laga dhigay 10 Dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here