Hargeysa, (HargeisaPress) —Ganacsade Cumar Caydiid oo hore xukuumada somaliland xabsiga u taxaabtay isagoo mudo 5 maalmood ah ku xidhnaa saldhiga ibraahim koodbuur ayaa maanta gabi aahaanba xoriyadiisi dib u helay waxaana uu gacansade Cumar Caydiid u mahadnaqay dadkii ka shaqaynaayay siidaynta iyo dhamaan shacabka Somaliland ee ka damqaday xadhiga muwaadiniinta Somaliland.
Waxaana uu sheegay in ay hawshii dhismaha tiyaatarka ay la wareegeen ganacsato waawayn oo dhex dhexaadka noqon doonta khilaafkan soo soqnoqonaayay ee ku saabsan dhismaha tiyaatarka magaalada hargeysa
HargeisaPress News Desk — Hargeysa