Ganacsade Cali Cumar Guuleed oo soo dhaweeyay jadwalka mucayinka doorashada

0
632

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mulkiilaha Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, Ganacsade Cali Cumar Guuleed oo dalka in muddo ah ka maqnaa, isla-markaana dib ugu soo laabtay, ayaa ka hadlay jadwalka doorashada ee ay maanta soo saareen guddida komishanka doorashooyinku.

Ganacsade Cali Cumar Guuleed, ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay ka waramay wadamadii uu booqday intii uu dalka ka maqnaa, isagoona u mahadnaqay qurba-joogta Somaliland ee ku dhaqan dalalkii uu tagay.

Sidoo kale, ganacsadaha, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo jadwalka doorashooyinka ee ay maanta soo saareen guddida komishanka doorashooyinku, waxaanu sheegay inay guul weyn u tahay dalka Somaliland.

Ganacsade Cali Cumar Guuleed, ayaa dhinaca kale fariin u diray shacabka Somaliland, xisbiyadda qaranka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here