maxaad ka taqaan ama xog iyo sheeko kaasoo gaadhay gobolka gabilay?. Si aad u hesho jawaabta su,aashan ,
runtu waa in aad marka hore dhugato hadalka waayeelka iyo sidoo kale talada macalinka ee ah in muwaadin kastaa barto ama fikir ku filan ka haysto dalkiisa iyo dadkiisa,taasoo kaa caawinaysa inaad waqti kooban ku fahanto war ama xog lagaa siinayo meel ama degaan.
Aan ka gudbee hadii aan inyar kaaga tibix siiyo gabilay waa gobol jiho ahaan dhaca xaga galbeed ee caasimadda hargaysa,una dhexeeya maroodi jeex iyo awdal, xaga woqooyi iyo hawdkana maamula deegaano badan waxaana si guud loogu tilmaansadaa dhul qodaal ah oo midho badani kasoo go,aan oo carro san ah, sidoo kale buuralay,dooxyo,ban,iyo kaynba waa lagu yaqaan gobolkan.
Taariikh ahaan waa dhul caan ku ah,hidde iyo dhaqan,dhaqasho xoolaad,iyo inta bulshadu ku tamariso,taariikh ahaana waa gobol ku suntan halgankii dib u xoraynta dalka iyo halganno gobonimo doonkii ka mid yahay.
Hadii aad inyar ka fahantay juquraafi ahaan iyo xogta guud ee gabilay, ku darso inuu imika ka mid yahay goboladda ka qayb qaata dakhli kobcinta iyo dhaqaalaha waddanka.
Arrinta xiisaha badan ee gobolkani kaga soocanyahay waqti xaadirkan dhigiisa kale waa iyadoo markaad booqato aad arkayso hogaanka gobolka guud ahaan sida gudoomiye,maayar,isuduweyaal, xildhibaano iyo qaybaha maamulka oo intooda badani ay yihiin dhalinyar kuwaasoo si bilaa turxaana u wata hawlaha loo igmaday ee gobolka anigoo odhan kara horusocod hadii uu jiro gobolkan da,yarta ayaa ka dhigatay wax lagu xuso.
((Waa runtaa,walal siidhku waa hanti qaali ku ah dalka waana hubaal in aanu si ruuxi ah u ognahay taasi waxaana naga go,an in aanu ilaalino oo aanu siidhka asalka ka dhawrno inuu dabar go, waxaana gobolku leeyahay xarun lagu kaydiyo noocyada siidhka asalka ah ee la beerto dhamaan, si hantidaasi waligeed u jirtona waanu sii laba jibaaraynaa dadaalka lagu kaydinayo laguna ilaalinayo siidhka asalka ah)),ereyadan waxaa kaga jawaabay su,aal aan si kadisa u waydiiyay maayarka magaalada gabilay maxamed amiin waqti aan socdaal shaqo oo kooban ku tagay gobolka.
“waxaa sanadkan 2016 noo qorshe ah in aanu xaga bilicda,wadooyinka biyaha,iyo adeegyada bulshada aad u horumarino waxaanan bulshada ugu baaqayaa inay cashuurta waajibka ah sida ugu fiican u bixiyaan oo ay dhismaha gobolka iyo magaalada gabilay qaybtooda ku dadaalaan”,waa fariin su,aal kale oo aan waydiiyay jawaab u ahayd oo maayarku uga faa,iidaystay kulan kadisa oo aan qorshaysnayn isla markaana nagu dhex maray guriga martida gobolka isagoo ay wehelinayeen xildhibaano ka mida golihiisa degaanka oo kala ahaa xildhibaan mahdi iyo xildhibaan mustafe sayid,iyagoo waqtigaasi ku jiray kormeer ay ku samaynayeen magaalada caasimadda u ah gobolkan.
Xaga koboca magaalada waxaa kuu muuqanaya in dhismuhu fidayo adigoo arkaya waddooyin cusub oo la hirgaliyay, oo qaarkood dhawaan farta laga qaaday,xaga meceeshadda gobolkani waa mid ku tiirsan intiisa badani wadaniga laga soo saaro gobolka,adeegyada kale ee bulshadana sida caafimaadka wax barashada iyo biyaha waxaa muuqata in bulshadu ku qanacsantahay heerka laga joogo,sidoo kale xaga amaankana waa gobol si buuxda gacanta ay ciidamadda amaanku ugu hayaan.
Hadii aynu eegno meelaha u baahan in golaha degaanku qorshe cad ka yeesho isla markaana laga hawlgalo waxaa ka mida dhinaca bilicda, dhiraynta magaalada gudeheeda iyo kordhinta jidadka.
Iskusoo wada duuboo waxaa muuqata in gobolka gabilay muujiyay dadaal ay hagayaan dhalinyarta bulshadu dooratay,kuwa xukuumadda dhexe u igmatay iyo dadwaynaha gobolkan oo lagu majeerto inay yihiin bulsho u tabobaran wax soosaarka,iyo horumarka,waxaana la gudboon bulshada gobolkan inay sii laba jibaaraan dadaalkaasi si ay u gaadhaan hiigsigooda mustaqbalka taasoo wax wayn ku kordhinaysa hiigsiga guud ee qarankan somaliland oo ah in la helo bulsho la tartanta aduunayada inteeda kale.
QALINKA: AXMED CISMAN BATUUN