Faysal Cali Waraabe: “Somaliland waxay xuduudaheeda ku gaadhaysaa qori ama nabad”

0
1596
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa uu ka hadlay arrinta doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in ay Somaliland khatar gelayso, hadii ay doorashooyinku hal maalin dib uga dhacaan xilligii loo asteeyay.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaalada dalka, isagoona sheegay in cadowga Somaliland ku tashadeen burburinta dalka, wuxuuna sheegay in aanay jirin quwad ka weyn quwadii Siyaad Barre oo Somaliland burburin karta.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ku hanjabay inay Somaliland xuduudaheeda ku gaadhi doonto qori ama nabad.

Waxaa kale oo uu ka digay shaqsiyaad uu sheegay inay aflagaadeeyaan Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaanu tilmaamay in aan la siyaasadayn arrimaha Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here