Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda madaxweyne Biixi, in ay xoriyadoodda u soo celiso saddex saxafi oo muddo ku xidhan magaaladda Hargeysa.
Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa magaaladda Hargeysa, waxa uu fariintiisa si toos ah ugu diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu ugu baaqay inuu xoriyadood u soo celiyo saxafiyiintaasi.
Geesta kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa dhambaal hanbayo ah u diray guud ahaanba ummadaha islaamka ah gaar ahaana shacabka reer Somaliland dabaal-degga munaasibadda Ciidul-fidriga awgeed.