Faysal Cali Waraabe oo soo dhaweeyay dhismaha Safaaradda Somaliland ee Itoobiya

0
1830
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga dhismaha cusub ee safaaradda Somaliland ku leedahay Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sidan ku sheegay qoraal ku baahiyay bartiisa X (Twitter).

Waxaana uu tilmaamay inay tallaabadani bilow u tahay hirgelinta heshiiskii is afgarad ee 1dii Janaury 2024 ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu xusay inay sidoo kale dhismaha Safaaraddu uu bilow u yahay aqoonsiga Somaliland oo dhimasho u ah maamulka fashilmay ee Soomaaliya.

Guddoomiye xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu eebe ka baryay inuu badbaadiyo oo barakeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here