Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in laga faa’iidaysto iskaashiga Imaaraadka

0
816
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyihii hore ee xisbigii UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ku baaqay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto horumarka iyo iskaashiga uu rabo dalka Imaaraadka Carabtu inuu Somaliland la qabto.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu xusay in ay Somaliland leedahay aqoontii iyo kartidii looga faa’iidaysan lahaa fursasdahaas horumarka iyo iskaashiga ee uu rabo dalka Imaaraadka Carabtu.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay safarkii weftiga uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro hogaaminayay ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta oo ay Somaliland saaxiib dhaw yihiin.

Waxaana uu guddoomiyuhu safarkii weftiga Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay in uu ahaa guul weyn oo qaranka Somaliland u soo hoyatay.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa X, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Safarkii Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ee Imaaraadka guul buu ahaa, Dawlada Imaaraadku qalbi wanaagsan ayey inoo haysaa wax wayna waa u diyaar in ay inala qabato dhinac walba.

Waxa is weydiin leh ma ka faai’daysan karana, ma leenahay aqoontii iyo kartidii aynu fursadan kaga faa’idasan la hayn? Haa, haddi aynu gacamaha is qabsano, danta qaranka ka horaysiino ta shakhsiga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here