Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka
Biyaha Abubakar Cabdiraxman Good, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa kulan la qaatay shaqaalaha wasaaradda.
Kulankan oo ahaa mid is-barasho iyo dardargelin shaqo ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaalka wasaaraddu ku bixinayso horumarinta adeegyada biyaha ee dalka.
Ujeedada Kulanka:
Kulankan ayaa loogu talagalay
In Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ay si toos ah ula kulmaan shaqaalaha wasaaradda.
In dib loo eego howlaha socda iyo caqabadaha jira.
In kor loo qaado waxtarka iyo waxqabadka shaqaalaha.
In shaqaalaha lagu dhiirrigeliyo inay gutaan waajibaadkooda shaqo si hufan.
Intii uu kulanku socday, shaqaalaha wasaaraddu waxay soo bandhigeen warbixino la xiriira shaqooyinka ay hayaan,
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, ayaa kula dardaarmay shaqaalaha in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta, hufnaanta, iyo la-dagaallanka caqabadaha hortaagan shaqada.
Kulankan ayaa noqday mid wax-ku-ool ah oo lagu dhiirrigeliyay shaqaalaha wasaaradda si ay u gutaan waajibaadkooda si waxtar leh. Wasiirka iyo Agaasimaha Guud waxay ballanqaadeen in ay taageero buuxda siin doonaan shaqaalaha si loo gaadho himilooyinka wasaaradda ee ku aaddan horumarinta khayraadka biyaha.