Hargeysa (Hargeisa Press)- Siyaasiga caanka ee reer Somaliland ee Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si adag uga digay weerar qorsheysan oo toos ah oo ay dowladda shisheeye maleegayaan oo lagu soo qaadayo Qaranimada Somaliland.
Faysal Cali Waraabe oo qoraal ku baahiyay bogiisa X, Twitter, ayaa wuxuu sheegay in loo badheedhay duminta Jamhuuriyadda Somaliland iyo in maamul-goboleedyo laga dhex sameeyo, isla-markaana arrinkaasi uu yahay duullaan qaawan oo lagu soo qaaday jiritaanka Somaliland.
Qorshahaas dhagaraysan, ayuu sheegay inay si qaawan iskaga kaashanaya maamulka fashilmay ee Muqdisho iyo dawlado shisheeye oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Shiinaha.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, inay barbar socdo oo aan mugdi ku jirin kii qoriga oo lagu doonayo in lagu qabsado qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobolka Sanaag oo miiska cadowga saaran hadda.
Siyaasi Faysal Cali Waraabe, ayaa fariin degdeg ah u diray shacabka Somaliland, isagoona sheegay in loo baahan yahay talo qaran iyo tab iyo xeelad midaysan oo si degdeg ah loogu wajaho halista badheedhka ee xaqiiqdeedu ina hortaal ee cadowga kala duwan ku soo qaadeen qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Hoos ka akhriso qoraalka
“Waad arkaysaan oo waa taas loo badheedhay duminta Jamhuuriyadda Somaliland iyo in maamul-goboleedyo laga dhex sameeyo. Arrinkaasi waa duullaan qaawan oo lagu soo qaaday jiritaanka Somaliland, waxana qorshahaas dhagaraysan si qaawan iskaga kaashanaya maamulka fashilmay ee Muqdisho iyo dawlado shisheeye ay ka mid yihiin Jabbuuti iyo Shiinaha.
Sidoo kale, dagaalka siyaasadeed ee lagu soo qaaday dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa barbar socda oo aan mugdi ku jirin kii qoriga oo lagu doonayo in lagu qabsado qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Gobolka Sanaag oo miiska cadowga saaran hadda.
Haddaba, reer Somaliland-now maxaa innooga meel yaalla duullaankaas lagu soo qaaday dalkeenna?
Sidaa awgeed, waxa loo baahan yahay talo qaran iyo tab iyo xeelad midaysan oo si degdeg ah loogu wajaho halista badheedhka ee xaqiiqdeedu ina hortaal ee cadowga kala duwan ku soo qaadeen qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.”