Faysal Cali Waraabe oo ka digay qorshe Jabuuti iyo Soomaaliya maleegayaan

0
1044
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si weyn uga digay weeraro Somaliland kaga iman kara Jabuuti iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay maleegayaan qorshe ka dhan ah Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in loo tashaday Somaliland, isla markaana uu socdo qorshe culus oo lagu doonayo in lagu burburiyo Somaliland.

Guddoomiyaha UCID, ayaa sheegay inay Jabuuti iyo Soomaaliya ku tashadeen in laba jiho ay ka soo weeraraan Somaliland oo kala ah dhinaca Jabuuti iyo aagga magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in qorshaha socda uu lamid yahay midkii 1988, isla-markaana la xalaashaday dhiiga shacabka Somaliland.

“Waxa lagu tashaday in dalkeenna laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu si gaar ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay inuu isagu hoggaanka u hayo qorshahan ka dhanka ah Somaliland, ujeedkuna uu yahay in laga hortago aqoonsi ay hesho Somaliland.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxda iyo shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay si wadajir ah ugu diyaar garoobaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, ugana hortegi lahaayeen in la burburiyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here