Faysal Cali Waraabe oo hal arrin ugu baaqay Beesha Caalamka

0
2160
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu baaq culus u jeediyay wadamada Beesha Caalamka.

Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay xushmeeyaan madax-bannaanida dalka Somaliland.

Waxaanu xusay in dhammaystirka heshiiskii isfaham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gabogabo ah.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), waxaanu tilmaamay in Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kadib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna xusay in tan iyo muddadaas ay Somaliland ahayd qaran madax-bannaan oo dimuqraadi ah.

Guddoomiye Faysal, wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madax-bannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Itoobiya ay dalka fashilmay ee Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Itoobiya ku wayday Soomaaliya dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here