Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa heshii mudo kordhineen oo xisbiga KULMIYE soo hor dhiga Qalinka ku duugay,halka uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbiga WADDANI ay gebi ahaanba diideen inay saxeexaan heshiiska ay KULMIYE Iyo UCID Saxeen ee Mudo kordhinta loogu samaynayo Xukuumadda Wakhtigeedii Dhammaaday ee Siilaanyo.
Warqada heshiiska oo war-baahintu heshay ayaa waxa ka muuqda labada saxeex Ee Guddoomiyayaashaa UCID Iyo KULMIYE halka uu Banaanyahay Saxeexii loogu talo galay Guddoomiye Cirro,iyadoo uu yahay nuxurka Qoraalka ay xanbaarsantahay in doorashada loo riixo xiligaa jiilaal ee kal dambe Nov 15- 2016,blasé heshiiskan ayaa ah mid ay UCID Iyo KULMIYE oo qudha isla qateen una gudbiyeen Golaha Guurtida.
Dhanka Kalena xisbiyada WADDA ayaa gebi ahaan heshiiskaa ganafka ku dhuftay,iyagoo ku adkaysatay in wakhtigii ay Gudida Doorashooyinku Cayimeen ku qabsoonto doorashadu ee ahaa june 1-2016
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com