Fannaanka Khaalid Kaamil oo lagu xidhay magaalada Hargeysa

0
2450

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fannaanka caanka ah ee Khaalid Kaamil, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in goor-dhawayd ay Ciidamada Booliska Somaliland u taxaabeen xabsiga magaalada Hargeysa.

Fannaanka Khaalid Kaamil, ayaa ka mid ah Fannaantiina da’da yar ee wakhtigan ugu caansan ee loogu jecel yahay hesihiisa.

Lama oga ilaa hada sababta ka dambaysa xadhiga fannaanka, balse ilo-wareedyo, ayaa HargeisaPress u sheegay in loo haysto safar uu ku tagay magaalada Muqdisho.

Fannaan Khaalid Kaamil, ayaa tagay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, halkaasi oo uu muddo sannad ah ku maqnaa, isagoona bandhig-fanneed ku qabtay.

Xukuumadda Somaliland, ayaan illaa iyo hada wax wara ka soo saarin sababata dhabta ah ee loo xidhay fannaanka Khaalid Kaamil iyo dambiga loo haysto.

Hase ahaatee waxa lala xidhiidhinayaa inay tahay qadiyad ku saabsan inaanay dadka magaca ku leh Somaliland ee ah Siyaasiyiinta iyo Fannaaniinta u safri karin Soomaaliya.

Waxaana xusid mudan in fannaaniin tagay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ay Xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here