Fannaanada Hibo Nuura oo Hargeysa lagu maamuusay

0
1251

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta waxaa uu munaasibad soo dhaweyn ah magaalada Hargeysa ugu sameeyay Fannaanada caanka ah ee Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) op ka mid ahayd Fannaaniintii hobolada Waaberi.

Munaasibadan oo ahayd hadhimo sharafeed, ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, guddoomiyeyaal, agaasimeyaal, siyaasiyiin, xildhibaanno, fannaaniin, abwaano, haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn madasha ka hadlay, ayaa ka warramay taariikhdii fanka ee faca weynayd ee Fannaanada Hibo Nuura.

Sidoo kale, madaxdii kala duwaneyd ee munaasibada ka qayb galay, ayaa iyaguna ka sheekeeyay doorkii Fannaanad Hibo Nuura ku lahayd Fanka Soomaalida.

Fannaanada caanka ah ee Hibo Maxamed Gudoon Hibo Nuura oo madasha ka hadashay, ayaa ka mahadnaqday sida loo maamuusay, iyadoona sheegtay inay faraxsan tahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here