Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo kooram la’aan u furmi waayay

0
1363

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee saaka loo ballansanaa in cod loo qaado dacwadii maamuus ka xayuubinta ee xeer-ilaalintu ka gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa furmi waayay.

Xeer-ilaalinta Somaliland, ayaa 16-kii bishan July, waxay dacwad maamuus ka xayuubin ah ka gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib, iyadoona dacwad culus ay ku soo oogtay.

Warqad dacwad ah oo uu ku saxeexan yahay Garyaqaanka guud ee Somaliland ayay xeer ilaalintu ku codsatay in Xildhibaanka maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.

Hadaba, fadhigii saaka ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa furmin kadib markii tirada xildhibaannadii loo baahnaa aanay ka soo xaadirin fadhiga golaha.

Fadhiga, ayaa waxaa ka soo xaadiray 49 xildhibaan, halka loo baahnaa inay soo xaadiraan xildhibaano gaadhaya 55 xildhibaan si ay cod ugu qaadaan Xildhibaan Maxamed Abiib, kadib markii xeer ilaalinta guud u soo gudbisay goloha Wakiillada soo jeedin ah maamuus ka xayuubin.

Garyaqaanka golaha, ayaa sheegay in xaaladdan oo kale loo baahan yahay in goluhu ku furmo 55 xildhibaan ama tiro ka badan balse waxa soo xaadiray 49 xildhibaan oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here