Fadhigii 87aad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Qodobadii Lagaga Dooday

0
504

Hargaysa (HP): Fadhigii 87-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta ayaa lagaga hadlayo arrimo door ah oo ku saabsan xaaladda Amniga, abaarta baahsan iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Fadhigaasi oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii fadhiga lagaga dooday.

Waxaanu tilmaamay in xaaladda abaarta ee dalku ugu weynayd waxyaabihii shirka diiradda lagu saaray.
Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay ayaa waxa kamid ahaa sidii ay bulshadu uga taxaddari lahayd Been abuurka iyo jaah-wareerka ka socda baraha bulshada (Social media).


Wasiir Koore, waxa uu goluhu shacabka usoo jeediyey inay ka dheeraadaan wararka goobahaas lagu faafinayo ee runta iyo xaqiiqadaba ka dheer, iskana hubiyaan wax kasta oo baraha bulshada lagu daabaco.
Ugu dambayntii waxa uu wasiirku sheegay in goluhu fadhigooda si qoto dheer ugaga doodeen xaaladda amni ee dalka, islamarkaana uu wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo xog-warran buuxa golaha siiyey uu caddeeyey in amniga guud ee dalku meel wanaagsan marayo.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here