Faaqidaad: Doonta Yaa Naakhuude Ka Ah Samaale, Xirsi, Kijaandhe Iyo Maxamed Biixi?

0
956

HargeisaPress — Had iyo jeer isbedelada siyaasiga ah iyo kuwa Milateri marka dal ama hoggaan maamul haya lasoo dersaan, waxa ay horseedaan laba dariiq midkood, Kow waxa kacdoonkaa siyaasiga ahi uu noqdaa mid u dhaca si nabad-gelyo ah oo aan wax dhiig ahi ku daadan, isla markaana meesha ka saara hoggaankii markaa talada gacanta ku hayey. Hase-yeeshee waxa ku adkaata qaabkii ama nidaamkii uu u buuxin lahaa hoggaankii ka horeeyay, kadib-na waxa baahda goobtii iyo taladdii dalka ee markii hore meesha keliya looga talin jirey. Taasi marka ay dhacdo dalkaasi waxa uu cagta saara dhabbaha burburka iyo colaadaha ehliga, aakhirkiina waxa dhacda inay Magaalooyinka soo buuxiyaan dad aan aqoon lahayn, oo iyagu aan u kala aabo yeelayn Oday, Haween, Caruur iyo dadka Aqoonyahan ah intaba. Dalalka Caalamka ee arrintan oo kale lasoo deristay waxa ka mid ah, haddii aynaan meel dheer-ba ka eegin wadanka aynu dersika nahayn ee Koonfurta Soomaaliya (illaahay iyagana haka saaro, innagana ha inaga badbaadiyee).

 

 

Masallada Labaad ee ku saabsan isbeddelada ku yimaadda af-genbiga ama Inqilaabka Milateri, kaas isaga xaalkiisu maaha mid tafaasiil badan u baahan, sababtoo ah in qori waxa lagu qabsadaa way ka dhib-yar tahay nidaamada kalee dunida waxa lagu beddelo oo dhan, laakiin’se deraasaddo iyo jiraabaddo badan oo la sameeyey dunida waxa la oggaaday in aan cimrigiisu dheeraan marka danbe, sidoo kale, waxa iyana adkaata ama yaraata xasiloonida mudada nidaamkaa Milaterigu uu dalka ka talinayo, sababtoo ah waxa af-duuban taladdii dalka ee la wada lahaa, oo meel keliya ka go’aysa. Waxa kaloo sidii loo baahnaa aan u shaqaynayn hay’adihii dawladda ee is dheeli-tiri lahaa, sida Garsoorka, Fulinta iyo Xeer-dejinta, kuwaasoo runtii ah Kabaaladda isu miisaama go’aamadda fulinta iyo doorka bulshada…

 

La soco Qaybo kaloo Faahfaahsan..

 

Maxamed Cabdi “Curad”

Wargeyska Yool

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here