Hargeysa:-Curashada sanadka 17aad ee qarniga 21aad ee Taariikhda Miilaadigu, wuxuu si lama filaana u ibo-furay dhibco rejo wanaagsan ku abuuray bulshada ku dhaqan Geeska Afrika, halkan oo uu ka hooray tus muhiim u ah loollanka dhaqaale ee aduunka oo ku wajahan wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika ee dunida saddexaad(Afrika).
Tani maaha mid la hilmaamay, balse waa fursad wakhti dheer loo daayacay duruufo jiray awgood,indhahase ay ku hayeen qaar badan oo kamida dalalka horumaray, kuwaasoo markastoo ay halacsadaan hirrarka dhaqaale ee halkan wadhan, haddana ka faagayey hollaca iyo humaaga ku hareeraysan jasiiradan nabdoon ee wali loogu abtiriyo Dawlada isku magacowday inay Somaaliya ka go’day ee la baxday Somaliland.
Inkastoo aanay Mandaqada Soomaaliya wali ka aslaaxin nabad iyo nidaam dawladnimo oo lagula noolaado jaarnimo iyo jiidh-wadaag bulsho, haddana waxa somaliland oo ah Qaran 26 jirsaday, sida cadceeda ugu soo baxay midho-dhalka natiijadii ay ka dhaxleen dadka goboladan u dhashay ujeedooyinkii ay aabbeyaal badani duurka iyo dagaalka u galeen soddoomeeyo sanno ka hor,taasoo ahayd in la helo Cadaalad iyo horumar umaddeed oo loo simanyahay.
Wallow, gulufkii dhaq-dhaqaaqa SNM ee dhidibada u siibay dowladdii Milateriga ahayd ee Somaaliya uu ka dhashay dhibaatooyinkii loo geystay shacbigii ku dhaqnaa gobolada somaliland qaarkood, haddana wuxuu ahaa go’aan salka ku hayey ahdaaf siyaasaddeed oo fog iyo kuwo dhow, ujeedo kastana ha lahaadee waa mid la mahadiyey oo ay ka dhalatay Somaliland oo ka badbaaday bur-burka iyo dhibaatooyinka wali ka taagan Gobolada koonfurta Soomaaliya, taasoo hoy u noqotay nabad-gelyo iyo degenaanshiyo kaga xayndaaban wadamada kale ee Gobolka Mushkiladaha ka aloosan Soomaaliya.
Run ahaantii, Somaliland Marxalada ay maanta marayso, waa mid aad u xiiso gelinaya dadka jecel horumarkeeda, kuwa necebna xannuun ku beeraya, waxaase hubaala inuu jiro gaabis xagga dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ahi, Dadka oo dhamina kumana qanacsana horumarka iyo guulaha u soo kordhay.
Gol-daloollada dhinaca dowladnimada iyo dib u dhiska dalku kuma koobna Dawladda oo qudha, balse bulshada lafteeda ayaan wali u bislaan waddaniyada iyo wax-qabsiga Bulsho.
Marka aan sawir kooban ka bixiyo somaliland-ta maanta waxaan ku tilmaami karnaa jasiirad Hadyad ah oo uu ilaahay ku uumay Umad Muruqa iyo maskaxdaba ka curyaansan oo aan lahayn feker iyo ficil ay kaga baahi-baxaan duruufaha ku gedaaman.
Heerka ay dhanka dawladnimada ka marayso, waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay waddan Shuruucda iyo xeerarka u degsan ku dhaqankoodu ay ku yihiin cudur iyo cilad aan wali daawo loo helin.
Sidaasoo ay tahay dadka somaliland waxa u curtay gugii mustaqbalka wanaagsan, waxaanay gaadheen Xilligii ay ka faa’idaysan lahaayeen khayraadka iyo qanniimada ku duuggan dalkooda oo ay muddo dheer ka qatanaayeen.
Waxa u soo haajiray shirkaddo waaweyn oo caalami ah iyo dowladdo aan halkan laga filayn sanado ka hor, kuwaasoo ku soo dhiiraday inay Maal-gashadaan degelkan adduunyadu indhaha kor uga lalinaysay 25-ka sanno.
Maal-gelinta dowladdaha shisheeye, waxa bilow u ah Mashruuca Maal-gelinta Dekedda Berbera, kaasoo furre u noqday guul siyaasaddeed iyo mid dhaqaale oo ay ku naaloon doonaan Muwaadiniinta somaliland,waxaana bilowgaasi daah-furay fursaddo Hirraal iyo himilooyin fog xambaarsan oo ay Somaliland ka heli doonto quwad siyaasadded Caalami ah iyo awood dhaqaale.
Maxaa looga soo horjeedaa Heshiisyada Maal-gashiga?
Waxa hubaala, inaanay dad badani fahamsanayn qiimaha ay leedahay maal-gelinta dekedda iyo marti-gelinta Saldhiga Milateri ee ay dowladda Imaaraadku ka samaysanayso Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, labadaas mashruuc oo ah kuwo isku-lamaan oo wada socda.
Dadka ka soo horjeeda Maal-gelintaasi waa kuwo uga biyo-diidsan laba sababbood midkood;
1-Inaanay fahamsanayn faa’iidooyinka dalka iyo dadka ugu jira Maal-gashiga caalamiga ah oo ay arrintani ugub ku tahay maskaxdooda iyo garaadkooda, kuwaasoo lagu tilmaami karo dad aan iyagu lahayn aqoonta waxbarasho, balse indho ku-garaadlaha ah.
2-Qodobka labaad ee looga soo horjeedo Heshiisyada Maal-gashi waxa uu yahay, diidmo salka ku haysa mabaadi’ siyaasaddeed oo xagga xisbiyada ah.
3-Waxa kale oo jira qayb kamida Bulshada oo fursadan uga biyo-diisan kalsooni darro laga qabo Xukuumadda iyo ashkhaasta gadh-wadeenka ka ah Heshiisyada iyo howl-galada lagu unkayo Barmaamujyadan Maal-gaashi iyo iskaashi Milateri ee dhex maraya dowladdaha Somaliland iyo Imaaradaha Carabta.
Waa dhab, inay taasi jirto oo ay dad badani aaminsan yihiin ama ay ka warqabaan inay mashaariicdan dad gaar ah oo xukuumadda ka tirsani si qaldan isugu sunteen iyagu, midho-dhalkeedana ay doonayaan inay sad-bursi ku helaan, amase uga faa’idaystaan danno shakhsi ah.
Waxa kale oo shacbiga iyo Kooxaha siyaasadaba u muuqda oo ay Isha ku hayaan inay madaxda dowladda ee howshan hogaaminaysaa wax badan qarinayaan oo aanay mujtamaca howshan ka faa’idaysanaya ku qancin karin muhiimada ay arrintani qaranka u leedahay “nin hullaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa”.
Dhamaan dhaliilahaasi iyagoo jira, haddana marka xaqiiqada loo daadeggo Heshiisyadan Iskaashi-dhaqan-dhaqaale ee dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waa kuwo ay somaliland ka najaxayso, Haddii fursad iyo fakaag la siiyo, loona diyaar-garoobo ka hortaga caqabadaha ku xeeran ee fashilin kara.
Sida ay isku-raacsanyihiin fikir ahaan, aqoonyahanka iyo indheer-garadka somaliland, marka dhinaca faa’idooyinka laga eeggo waxa ay mashaariicdani adduunka tartamaya ku darayaan Magaca iyo Meeqaamka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay kaabiga soo joojinayaan Ictiraafka dowladnimo oo wakhti dheer laga naawilayey Wadamada Afrika iyo saaxiibeyaasha kale ee caalamka, kuwaasoo taageero maslaxaddeed iyo kaalmooyin faro-guudkooda siin jiray waddankan aan wali bulshadiisu ka soo kaban dhaqaale Bur-burkii iyo dhaawacyadii ay u geysatay dowladdii Milateriga ahayd ee Soomaaliya, taasoo markii ay ku kaceen shacbiga goboladani, cuddud milateri oo aan loo aabe yeelin ku baabi’isay dhamaan hantidii bulshada ra’yidka ah.
Dhanka kale, Faa’iddooyinka kale ee ay Somaliland ka helayso Maal-gashigan waxaan ku soo uruurinaynaa dhowr arrimood badankooda laysla fahamsanyahay, kuwaasoo kala ah;- Shaqo-abuur, Koboc dhaqaale, xasillooni siyaasaddeed iyo inay ku soo hirtaan daneeyayaal kale oo Maal-gashi. Intaasoo fursadood oo ay mar qudha hanatay Somaliland maaha wax lagu bedellan karo raali-gelinta qayb kamida Bulshada oo aan fahamsanayn wadciga iyo waayaha adag ee la waajahayo iyo baahida uu waddanku u qabo Iskaashi Caalamiya oo ku dhisan Dan-wadaag.
Geesta kale, Fursadaha Maal-gashi ee ay Somaliland heshay ma soo wada dhaweyn doonaan, dhamaan wadamada saaxiibka dhow la ah Somaliland, waxaana durba muuqda qaar badan oo u arka inay caqabad weyn oo dhaqaale iyo mid istaraatiijiyadeed ku tahay dalalkooda, kuwa soo dhaweynaya laftooduna si fiican uguma faraxsana inay qorshaheyaashani guulaystaan, waxaase ay ciyaarayaan door ay fursaddo dantooda ah kaga heli karaan mashaariicdan ama masaaliix u gaar ah ugu darsan lahaayeen.
Caqabadaha ku geddaaman Heshiisyada Maal-gashi ee Somaliland
Caqabadaha ku xeerran guulaha ay Somaliland gaadhay, waa kuwo halis ku ah nabada iyo xasiloonida waddanka, haddanay ka foogjinaan Shacbiga iyo Dowladda oo is-aaminsani, jirrina mabaadi’ aasaasiya oo illaaliya dannaha khaaska ah ee dalka.
Caqabadaha ugu waaweyn ee imaan kara, amase ku gedaaman fursadahan, waxa kamida Loollan dhinaca dhaqaalaha ah iyo mid diblomaasiyadeed oo ay wadamada Gobolku kula dagaalamayaan midnimada iyo madaxbanaanida Somaliland.
Waxa kale jirta oo loo baahanyahay inay xaqiiqsadaan Shacbiga iyo Dawladdu inta og iyo intaan ogayn-ba oo ku khasbanyihiin inay qorshaha ku darsadaan in guul kastaaba ay leedahay cadow iyo colaad fara badan, taasoo si fudud fidmo iyo faashil kuu gelin karta waxaad dheefto iska daaye wixii aad hore u haystay.
Farramaha siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba laga soo weerari karo horumarka ay Somaliland samaysay, waxa tusaale ugu filan Shirqoolada iyo qorsheyaasha dahsoon ee ay Dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku daadifayso Heshiisyada ay wada galeen Dowladdaha Somaliland iyo Imaaraadku, taasoo haddii ay dad badani moodayaan inaanay saameyn togan ku keeni Karin waxqabsiga Somaliland hadda ka fekeraysa sidii ay qulqulatooyin iyo qas uga abuuri lahayd gudaha dalka.
Xeeladdaha lagu goynayo xadhiga iskaashi ee dhex maray Hargeysa iyo Imaaraadku kuma koobna oo qudha isku-dayga Dowladda Itaalka yar ee Soomaaliya, hase ahaatee waxa la saadaalinayaa inay ka qayb-qaadanayaan wadamo kale oo ay xulafo yihiin oo Gobolka iyo qaaradaha kaleba isugu jira, kuwaasoo difaacaya danno u gaar ah Soomaaliya iyo siyaasad qoto dheer oo lagu curyaaminayo Bulshada isku-tashatay ee Somaliland.
Inkasta oo aanay habboonayn inaan abuurno cabsi iyo kalsooni-darro ka dhex dhalata Somaliland iyo Waddamada Gobolka ee ay deriska yihiin, haddana mugdi kuma jiro in la gaadhay xilligii ay Dowladda Hargeysa ka dhisani waajihi lahayd la-tacaamulka hirdanka iyo hoos-ka-tuurmada Dowladaha Mandaqada.
Aynu bedelno Somaliland-tii hore;
Macnaha Ciwaanka qormada ee ah “Aynu bedelno Somaliland-tii hore”maaha in la abuurno dal cusub iyo nidaam dowladnimo oo ka duwan habkii hore u jiray, hase ahaatee waxa ay aqoonyahanka iyo waxgaradk Bulshadu isku-waafaqsanyihiin inay jiraan gol-dalloolooyin fara badan oo ka muuqda Dastuurka iyo shuruucda ka farcamay ee dalka.
Sidoo kale, Waxa qof waliba ka markhaati kacayaa oo bulshada dhexdeeda ka muuqda inay yartahay amase ay liidato aaminnaada iyo lexe-jeclada Muwaadiniinta waddanka u dhashay u hayaan horumarka, difaaca iyo Maal-gelinta Kaabeyaasha muhiimka ah, taasoo kamida sababaha curyaamiyey dowladnimada iyo dhaqaalaha dalka.
Waxa xaqiiqo ah inay dhamaantood garanayaan aqoonyahanka iyo waxgaradka dalkani in gaajada iyo dheregguba ku jiraan siday u tabcadaan iyo sida ay u tashiishaan waxa ay tamartooda kula soo baxaan. hase-ahaatee iyadoo ay taasi jirto haddana waxa maqan xal u helidii lagu maarayn lahaa faqriga iyo nolosha rejo-beelka noqotay, sababtuna waxa ay tahay waxaan jirin oo laga kaaftoomay kor u qaadistii danta guud iyo Maal-gelintii muruqa iyo Maskaxda Bulshada.
Sidaas darteed, Dadka reer Somaliland shacbi iyo dowladba waxa ku waajib ah inay wax ka bedelaan hab-dhaqannada ku dhisan akhtiyaariga iyo xeer-jajabka ee la aaminnay, kuwaasoo lagu beddelayo Xadaarad iyo xeelado la jaan-qaadi kara mustawaha ay marayaan wadamada caalamku, siiba kuwa ay dan-wadaagta yeesheen Somaliland.
Waxa kale oo looga baahanyahay Dowladda Somaliland inay dhamaystirto dhamaan shuruucda ku taxaluqa Dowlad-wanaaga, Doorashooyinka, Dhaqaalaha, Siyaasada arrimaha dibada iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa. Sidoo kale waxa dowladda looga baahanyahay inay Shacbigeeda ku baraarujiso maal-gashiga Dhulka, abuurista hindiseyaal cusub oo Ganacsi, hal-abuurnimo dhaqaale iyo inay ka fekeraan sidii ay ula soo bixi lahaayeen Badeecado ay caalamka u iib-geeyaan, si aanay nolosha dadkoo dhami ugu tiirsanaan Shaqaale iyo loo shaqeeye, Ganacsade iyo geed-joog, Karaani iyo Maamule, Macalin iyo Askari, loona helo xirfado iyo Mashaariic ka duwan waxyaabaha ay iminka dadka badankoodu ka xoogsadaan.
Tusaale ahaan; dal waxa yeesha Dad aaminsan Midhaha Geedkooda iyo Macdanta Ciiddooda ku hoos-jirta, laakiinse waxba Caalamka lama qabsan karaan Umad wax-qabsiga ka jecel Kaalmo shisheeye oo aan lahayn karti iyo kaynaan ay Dhulka khayraadka kor wadhan kaga faa’idaysan karaan. Waxaanna meellaha loo baahanyahay in xoogga la saaro kamida wax-soo-saarka Beeraha, ka faa’idaysiga Tamarta Cad-ceeda, Kalluumaysiga, Macdan qodista iyo Dalxiiska. Mashaariicda noocaas ah oo la rabo inay dowladdu ku dhiiri-geliso dhalinyarada wax-baratay ee ay Shaqo la’aantu ku cadibtay Magaalooyinka sidii ay Shaqo uga heli lahaayeen, kuwaasoo ugu yaraan laga taageerayo helida qalabka iyo deegaamada ku haboon oo lagu jihaynayo, si ay taasi maal-gelin ugu noqoto.
Ugu dambeyn, Dowladda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumad kasta oo bedesha, waxa looga baahanyahay inay Shuruucda dalka qabyo-tirto, isla markaana xakameyso duruuf kasta oo nusqaan ku keenaysa dalka, siiba dib u dhacyada Doorashooyinka, Musuqmaasuqa iminka Xadhkaha goostay iyo Cadaalad-darrada heerkii ugu xumaa maraysa, arrimahaasoo dhamaantood u baahan in gacan bir ah wax lagaga qabto.
Gabagabadii, waxa muhiima inay Somaliland ka gudubto cahdigii Nin jeclaysiga, qabyaalada, kala-qob-qobnaanta, Musuqmaasuqa, Maamul-xumada iyo daryeel la’aanta danta guud, una gudubto hannaan hufan oo muujinaya dowlad-wanaag iyo bisayl Qaranimo.
La soco kale Qormooyin kale oo ku saabsan fallanqeynta Marxalada ee ay Somaliland gashay iyo duruufaha Siyaasaddeed iyo Dhaqaalle….
W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Suxufi madaxbaan oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Bulshada/ ahna Tafaftiraha GNA
Hargeysa/Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com