Burco, (HargeisaPress) —Faahfaahin soo gaadhaya xafiiska shabakada HargeisaPress oo kasoo baxaysa khasaaraha inta la ogyahay ka dhashay dagaalkii saaka deegaanka Boodda ee gobolka sanaag ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka puntland ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ka dhashay inta la ogyhay dhimashada laba askari oo dhanka ciidamada qaranka Somaliland ah iyo dhaawaca hal askari.
Sidoo kalena dhanka Ciidamda maamulka puntland ayaa la sheegayaa in ciidamadaasi laga qabtay ciidan kor u dhaafaysa 20 askari kuwaasi oo iskugu jira kuwo dhaawac ah kuwo maxaabiis ahaan lagu soo qabtay, waxaana intaasi dheer in sidoo kale ay ciidamada qaranka Somaliland ay gacanta ku dhigeen 3 gaadhi oo mid ahaan uu ciidamada maamulka puntland u siday sahay ama Zaad iyo sidoo kale xildhiban ka tirsan baarlamaanka maamulka puntland iyo wasiir ku xigeen hore oo iyagu ku sugnaa deegaankaasi dagaalku ka dhacay.
Ilaa hada ma jiraan warar kasoo baxaya dhanka ciidamada maamulka puntland khasaarah ka dhashay balse waxa la sheegaya inay jiran dhimasho iyo dhaawac labadaba.
Dagaalka ayaa hada yara istaagay siida ilo wareedyo ka agdhaw deeganka dagaalku ka dhacay u sheegeen HargeisaPress,com, sidoo kalena waxa hakad ku yimi isku socodkii deegaanada ee dadka iyo gaadiidka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa