Burco (Hargeisa Press) – Xildhibaan hore Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa maanta agab isugu jiray kuwo caafimaad iyo waxbarasho ku wareejiyay degmooyinka ka kala tirsan goboladda Togdheer iyo Sanaag.
Degmooyinka uu Ex-xildhibaan Bidhi, agabyadda ku wareejiyay ayaa kala ahaa degmadda Garad-adag ee gobolka Sanaag, degmadda Nasiye ee gobolka Togdheer iyo maktabadda akhriska ee degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Waxaanu Mubaarig Bidhi, qalabkaasi uu ku wareejiyay guddoomiyeyaasha iyo maayarrada degmooyinka Gar-adag, Bali-dhiig iyo Nasiye.
Qalabkaasi waxaa Ex-xildhibaan Bidhi, u soo wakiishay xubno ka mid ah qurbe joogta u dhashay deegaamadaasi ee ku nool ama degan dalka Ingiriiska.
Geesta kale, masuuliyiinta iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gar-adag, Nasiye, iyo Bali-dhiig ayaa Ex-xildhibaan uga mahad celiyay agabkani kala duwan ee uu soo gaadhsiiyay. Waxaanay sheegeen inuu yahay masuul ka shaqeeya arrimaha addeegyadda bulshadda iyo baahiyaha ay qabaan.