Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Hadlay Xubinta Cusub Ee Loo Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee KULMIYE, Heshiiska Dekeda Berbera,Wada Hadaladii U Socday Xisbiga WADANI Iyo Arimo Kale

0
945

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland kana mid ah garabka isbahaysiga KULMIYE ayaa manta ka hadlay xubinta cusub ee loo magacaabay mansabkii laga qaaday xildhibaan Waabeeye oo ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye, waxaana uu mudane Xirsi ku tilmaamay mid sharci darro ah, Sidoo kalen mudane Xirsi waxa uu ka hadlay in Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Cabdicasiis Samaale ka baxay garabka isbahaysiga KULMIYE.

 

Mudane Xirsi oo airmahasi ka hadlay ayaa waxa u yidhi“Arinkaa waxaan u arka inat sharci darro tahay xilka lagaga qaaday xildhibaan Waabeeye,mida Cabdicasiis Samaale muu odhan waan ka baxay garabkii isbahayisga ee wuxuu yidhi markaan hargeysa tago war farxad leh Ayaan sheegayaa warkaa farxad lehna waan sugaynaa inshaallah, Cabdicasiisna nin saaxiibkayo ah waxaan ku ognahay wanaag dhibaato kuma ogin isku tiim-na waan ahayn qofkastena wuxuu leeyahay waxyaalo u gaaro haduu KULMIYE raacay iyo haduu WADANI raacay iyo haduu UCID raacoba xor buu u yahay”Sidaas ayuu yidhi Mudane Xirsi

 

Dhanka kalean mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka hadlay wada hadaladii u socday xisbiga WADANI isaga oo sheegay inay wali socdaan waxaana uu yidhi.

 

“Wada hadaladaaasi wali way socdaan waanan ku guda jirnaa natiijada soo baxdana dib Ayaan ka sheegaynaa insha alllah”Sidaas ayu yidhi mudane Xirsi.

 

Gabagabadiina mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka hadlay heshiska Dekeda berbera isga oo sheegay inuu hadya malgalin tahay ay soo dhawaynayaan waxana uu yidhi.

 

“Runtii heshiisku waa laba shay midna waa heshiiska lasoo galayoo maan arag anigu oo waxba ka bixin maayo midna dekedeena berbera ma horumarinaa dalkena ma horumarinaya waxan leeyahay haaa inaan horumarinaan aaminsanahay in la maalgaliyo Ayaan aaminsanahay laakiin se heshiiska lasoo galauy maan arag anigu waaxana igu danbeeyey heshiiskii kii 17-may ee wakhtigii aan hogaminayay waftiga markii heshiiska nala soo hor dhigayna waan diidnay kan se ay aqbaleen maan arag waxbana ka odhan maayo”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay mudane xirsi

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here