Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadii Beirut iyo Tel Aviv

0
820

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Beirut iyo Tel Aviv.

Bayaan ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ayay ku sheegtay in ilaa amar dambe ay ku joojisay duullimaadyadii magaalooyinkaas, ilaa 7da October xaaladda jirta awgeed.

Shirkadda Ethiopian Airlines, ayaa waxay xustay inay si dhow ula socoto isbedelada ka socda gobolka, ayna xidhiidh la samaynayso masuuliyiinta ay khusayso.

“Waxaan si dhow ula soconaa wixii soo kordha, waxaana xidhiidh la sameyneynaa mas’uuliyiinta ay khuseyso,” ayay shirkaddu ku tidhi qoraal ay ku baahisey baraha bulshada.

Ethiopian Airlines, ayaa sidoo kale sheegtay inay ku dhiirigeliyaan rakaabka inay si joogto ah u eegaan heerka duulimaadka onlayn oo ay u diyaar garoobaan isbedelada daqiiqadaha ugu dambeeya ee suurtogalka ah.

“Haddii aad rabto inaad baajiso ballankaaga, Ethiopian Airlines waxay ku siinaysaa lacag celin buuxda. Waxaad la xidhiidhi kartaa wakiilkaaga socdaalka ama email reservation2@ethiopianairlines.com haddii ballantaada si toos ah loogu sameeyay Ethiopian,” ayay tidhi shirkaddu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here