Ethiopian Airline: “Majirto Gabadh Soomaaliyeed oo diyaarada looga-dejiyay Wasiir ka-tirsan Itoobiya”

0
2126

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in gabadh Soomaaliyad ah laga dejiyay kursi diyaaradeed si loo fadhiisiyo Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya.

Maamuulka Diyaaradda, ayaa sheegay in gabadhaasi ay ka mid ahayd dad ay diyaaraddu ka buuxsan tay oo lagu war geliyay in ay soo raacan diyaaradda dambe balse ay ka dhega adaygtay codsigii shaqaaluhu ay siiyeen.

Muuqaal uu baahiyay telefishanka CNN, ayaa muujinayay gabadh xijaaban oo doonaysa in ay fadhiisto kuraasta diyaaaradda balse ay wada murmayaan shaqaalihii diyaaradda ka hawl gelayay.

Diyaaradda gabadhan laga reebay, ayaa ka soo duulaysay magaalada Addis Ababa iyada oo ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here