Hargeysa, (HargeisaPress) —Ergooyinka ka qayb-geli doona shirweynaha Dhallinyarada heer-qaran ee ka qayb-geli doona shirweynaha dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee maalinta berri ah ka furmi doona magaalada Hargeysa, ayaa maanta (17 Dec 2016) si rasmi ah loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa.
Xubnaha Ergooyinka ah ee shirkan qaybta ka noqonaya, ayaa waxa darafyada Galbeedka iyo Bariga magaalada kusoo dhaweeyey hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran, kuwaas oo iyagu qaban qaabinayey shirkan, isla markaana muhiimad gaar ah siinayey sidii ay ergooyinkan usoo dhaweyn lahaayeen, una dejin lahaayeen Huteelladii loogu talo galay.
Gobollada Saaxil, Togdheer,Saraar,Buuhoodle, Sanaag, Sool, Xaysimo iyo Oodweyne, ayaa Ergooyinka metelaya waxa lagu soo dhaweeyey Bariga magaalada Hargeysa, waxana ay si weyn uga mahad naqeen sida milgaha leh ee loosoo dhaweeyey iyo weliba muhiimadda gaarka ah ee la siiyey soo dhaweyntooda.
Sidoo kale Ergooyinka ka socday gobollada Gabiley, Boorama, Hawd iyo weliba Salel, ayaa iyagana waxa lagu soo dhaweeyey dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeysa, waxana halkaas hadallo soo dhaweyn u badan ka jeediyey hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran, kuwaas oo wakhti badan geliyey sidii ay ergooyinkani caasimadda usoo gaadhi lahaayeen, una degi lahaayeen goobihii loo asteeyey.
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee heer qaran Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo madasha lagu soo dhaweynayey hadal kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey ergooyinka, waxana uu xusay inuu xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo dhallinyarada, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“aad baan usoo dhaweynayaa ergooyinka shirweynaha dhallinyarada ka qayb-geli doona ee gobolka Maroodi-jees iskugu yimi, gaco furan iyo qalbi furan baanu idinku soo dhaweynaynaa, shirweynuhuna wuu inoo furmi doonaa insha allah.”
Dhammaanba ergooyinka gobollada kala duwan ee dalka metelaya, ayaa caasimadda Hargeysa kusoo wada xerooday, waxana la sugayaa furitaanka shirweynaha heer qaran ee dhallinyarada Somaliland, kaas oo maalinta berri ah ka furmi doona Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa