Ergeyga Midowga Afrika iyo Wakiilka IGAD oo Dhuusamareeb Gaadhay+SAWIRRO

0
677
Dhuusa-mareeb (Hargeisa Press) – Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Midowga Afrika iyo IGAD magaalada Dhuusamareeb.

Xubnahan ayaa markiiba la kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayr oo muddo ku dhow laba toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.

Kullanka faahfaahin badan lagama bixin wali, balse waxaa la sheegay in arrimaha lagaga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo.Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dedaalo xal loogu raadinayo xaaladda Galmudug ka waday deegaannada dowlad-gobolleedka, waxaana ay hadda u muuqata dedaallada inay mira-dhal noqdeen oo dowlad-gobolleedka ay ka dhaceyso doorasho la wada ogolyahay. 

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here