Ankara (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Waxan uu sheegay ku guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay ‘aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.’
“Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaadhno guul taariikhi ah” ayuu ku yidhi bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Erdogan, ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa ku soo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.
“Anigoo ah siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamayaa natiijada ka soo baxday sanduuqa codbixinta” ayuu raaciyay Erdogan.
Tarihimizin en yüksek katılımlı seçimlerinden biri olan 14 Mayıs seçimleri, aziz milletimizin basiret ve ferasetiyle demokrasimize yakışır bir şölen havası içinde gerçekleşmiştir.…
— Recep Tayyip Erdoğan (@RTErdogan) May 15, 2023