30 sannadood ee ugu dambeeyey waxa shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku nool yahay nabad, xornimo, sharaf iyo karaamo. Shacbiga Somaliyana waxay ku noolaayeen dagaal,cabsi, argagax iyo harag daamo joogto ah Alle shacbigaa ha ka dulqaadee.
Muddadan 30 ka sanno ah waxa Sommaaliya loo qabtay 20 shir wayne oo aanay mid qudha dawlada Somaliland ka qayb galin maadaama ay tahay dal madax banaan oo gooni isku taagay.
Xidhiidhka labada shacbi wuxuu ahaa mid isku socod,ganacsi, iyo walaaltinimo. Hase ahaatee xukuumadihii iskaga dambeeyey magaalada Muqdisho wali way qaadan laa yihiin, waaanay liqi kari laa yihiin in JSL la soo noqotay xornimadooda 1991kii, maantana tahay qaran madax banaan, oo masiirkiisa shacbigu ka tashaday.
Madaxwayne Farmaajo riyada madaxdii hore ee Muqdisho ku jirtay waxa uu ku korodhsaday colaad iyo la dagaalan midabyo kala duwan leh oo jiritaanka shacbiga Somaliland uu ku doonayey inuu ku liciifiyo hase ahaatee ay u hirgali laadahay.
Hadafka Farmaajo lee yahay waxa uu yahay inuu dib u soo nooleeyo taliskii kaligii taliyaha ahaa ee burburay 1991kii. Hadday taasi u suurto gali waydana in gobolada Somaliya ee federalka ah inuu burburiyo. Hadafkaa waxa markhaati cad ka ah kuraasta golaha shacbiga sida uu u qaybiyey isaga iyo kooxdiisu iyagoo Filla Somaliya ku tashanaya, kalana tashan Golaha Shacbiga. Waxa kale oo caddayn u ah in gobolka Banaadir oo dad iyo dhaqaalaba ugu badan u qoondeeyey shan kursi.
Taariikhda waxa hore u soo maray shacbi halgan ku jira ama cadow la dagaalamaya inay xukuumad dal shisheeye ku samaystaan. Sida xukuumaddii Jeneral Digool ee Faransiiska ee dagaalkii labaad ee dunida dalka Faransiiska xukuumadda ku lahaa.
Waxaanse dunida hore u soo marin shaqsiyaad ku nool dal shisheeye, degaan dalkaa ku lahayn, shacbiguna soo dooran loo magacaabo inay xubno ka noqdaan Gole baarlamaan.Waana ta maanta Farmaajo ku kacay.
Tallaabooyinka Farmaajo ee sannadkan waxa ay sababi karaan burburka Soomaaliya iyo nidaamkeeda farogalineed haddii aanay inta wakhtigu u saamaxayo inay wax ka qabtaan. Arrintani waa mid u taalla gobolada Somaliya oo ma aha kuwa JSL saamayn ku lahaan kara. Waxase is waydiin mudan:-
–Shaqsiyaadka JSL u dhashay ee uu doonayo inuu magacaabo goboladee ama beelehee Somaliya ka tirsan ayay ku matali doonaan golaha shacbiga ee Muqdisho.
–Kuraasta loo qoondeeyey gobolkee looga qaadayaa?
–Gobolka ama Beesha kuraastaa xaq u lihi ma iska indho tiri doonaan mise way soo dhacsan doonaan . Arrimahaasina waa kuwo u baahan in shacbiga Somaliya fiiro gaar ah u yeesho.
Waxaanse lee yahay shaqsiyaad yohow u dhashay JSL yaan la idin adeegsan sidii calooshood u shaqaystayaasha, midiidinta laga dhigtay oo dalkay u dasheen la doonayo in lagu waxyeeleeyo. Danaha laga lee yahayna marka laga fushado la iska tuuro.
Waxaan lee yahay shaqsiyaadkaa gob ayaad tihiin ka tirsan JSL xor ah iyo shacbi u dagaalamay inay xoroobaan dulinimada aad maanta ku arkaysiin meelaha aad ku nooshihiin.Sidaa darteed waxa ogaataan in Kuraasta la idin siinayo ay yihiin kuwo Farmaajo ugu talo galay inuu ka dhaco Beel ka tirsan Soomaaliya. Sidaa darteed godob ha ka galina beesha ama beelahaa,halista ka dhalan kartana ka feejignaada oo nafihiina ha biimaynina.
Waxaan lee yahay daraasad sameeya oo ogaada dunidu siday ula dhaqanto iyo magacyada kala duwan ee loo bixiyo- oo aan ka xishoonayo inaan idhaahdo- shaqsiyaadka u adeega dal kale, kana qayb gala shirqoolada la doonayo in lagu waxyeeleeyo dalkooda hooyo.
Waxaan shaqsiyaadkan lee yahay maankiina la tashada, hubiyana Sodonkii sannadood ee midnimadii Soomaaliya iyo Soddonka JSL xornimada la soo noqotay xaaladaha kala duwan ee degeenada aad u dhalateen ku sugnaayeen ama ku sugan yihiin.
Waxaan lee yahay yaan durbaanka beenta ah la idin tumin horey qaar badani ku hodmeen oo naftoodana halis ku galiyeen.
Qalinkii: Xuseen Cali Nuur