Dullucda Qoddobo Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Jabuuti

0
782

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta meeqaam aad u sareeya loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, waxaana madaarka Jabuuti ku qaabilay Ra’iisal-wasaaaraha dalkaasi Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii, waxaanay ka wada hadleen sii xoojinta cilaaqaadka labada dal iyo fulinta heshiisyadii hore ay wada galeen labada dal.

Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Maxamuud Cali ayaa sheegay inay ka wada hadleen labada Madaxweyne sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here