Dugsiyada Nuuradiin Oo Xaflad Sagootin Iyo Abaal Marin Ah Ku Maamuusay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaanka Shahaadiga Ah.+ SAWIRRO

0
1336

Hargeysa,  (HargeisaPress) —Subaxnimadii hore ee saaka ayaa si rasmi ah xaflad qiimo badan loogu qabtay xarunta dugsiga Noradiin gaar ahaan qaybta Hablaha, waxaana xafladaasi ka soo qayb galay Wasiiru Dawlaha wasaarada waxbarashada,wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada,Agaasimaha Madaxtooyada, Culumo Awdiin iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Dugsiga Noradiin oo abaal marin balaadhan gudoonsiiyey ardaydii kaalamaha hore ka gashay ayaa sanad walba gudoonsiiya ardayga ugu sareeya guud ahaa dugsigaasi Gaadhi waxaana sanadkani abaalmarintaasi ku guulaystay Khaalid Maxamed Odowaa oo ahaa ardaygii guud ahaan ugu sareeyey Jamuuriyada Somaliland dugsiyada sare oo dhan kaasi oo keenay dhibco dhan Sagaal Boqol iyo afar iyo labaatan(924) ahaana arday dhigay rikoodh wanaagsan.

geesta kale waxa halkaasi hadyado qiimo badan la gudoonsiiyey ardaydii iyaguna ka mid ahaa tobanka ugu sareeya guud ahaan dalka kuwaasi oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho oo wadarta guud ay tahay koob iyo toban arday(11) oo ahaa ardaydii dugsiyada sare ee somaliland ka gashay kaalmo muuqda.

Dhinaca kale waxa halkaasi la gudoonsiiyey ardayadii ugu saraysay Hablaha kana mid ahayd ardaydiii ugu saraysay guud ahaan dalka oo dhan Asma Yuusuf Aadan Oo la gudoonsiiyey Takham dahab ah iyo hadyado kale waxa aan kala dhicin abaal marinahaasi uu dugsigu ku maamuusayey ardaydaasi kaasi oo sida ay iskugu xig xigaan u abaal mariyey hadyado kala duwan.

Maamulaha dugsiyada Noradiin Mahad Ibraahin Maxamed

 

Maamulaha dugsiyada Noradiin Mahad Ibraahin Maxamed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay mutaysteen ardaydaasi in la gudoonsiiyo abaal marimahaasi kala duwan waxaanu bogaadin u soo jeediyey ardadani soo hooyey guulaha muuqda ee ay ka gaadheen imtixaankii shahaadiga ah, kaasi oo taabtay in dugsiga Noradiin uu hadafkiisu yahay sidii uu u soo saari lahaa arday aqoon leh oo anfacda dalka iyo dadkaba.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah culumada dalka oo uu ugu horeeyo sheeg Aadan X Maxamuud Xiiray(Aadan Siiro), Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure(Ismaciil Dheeg), iyo sheekh Maxamed Aadan kuwaasi oo si isku mid ah uga hadlay muhiimada ay aqoontu leedahay una duceeyey ardaydaasi kaalamaha hore gashay kuwaasi oo sheegay in maanta loo baahan yahay arday ka dhisan Maadi iyo cilmi diineed si ay ula tartamaan dhigooda kale.

Wasiiru dawlaha wasaarda waxbarashada Maxamed Xaaji Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga Noradin uu yahay hormuud u soo baxay somaliland ardaydaasina ku amaanay dadaalka aya sameeyeen kaasi oo hambalyo iyo duco iskugu daray ardada wax ka barata dugsiyada Noradiin.

Ugu danbayntii waxa halkaasi shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyey ardaydii kaalamahaasi hore gashaya kuwaasi oo la gudoonsiiyey hadyado qiimo badan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY