Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Boobka Hantida Soomalida Ku Dhaqan Dalka Koonfur Africa

0
449

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay War ka soo saartay boobka iyo bililiqada lagu hayo dukaamada iyo goobaha ganacsiga Soomaalida ee dalka Koonfur Africa.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa oo ay ka mid ah tahay magaaalada Johannesburg waxaana ka soconaya wali rabashado ka dhashay boob burcad South African ah ay ku hayaan ganacsiga dadka ajnabiga ee ku dhaqan dalkaas oo ay Soomaaliduna ka mid yihiin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa u dhignaa sidan :

Dowladda Soomaaliya waxaa ay maalmahan si dhaw isha ugu heysa rabshadaha ka dhacaya dalka Koonfur Africa oo ay ku nool yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato, kuwaaa oo sanooyin badan lagu hayay hantidooda oo ay qeyb ka yihiin rabashadhihii ugu danbeeyay ee dalkaasi ka dhacayay maalmihii aynu soo dhaafnay oo ganacsatada Soomaaliyeed lagu gaarsiiyay khasaare hantiyeed.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed, waxeyna ka codsaneysaa dowladda Koonfur Africa in ay ilaaliso islamamarkaana damaanad qaado badqabka hantida ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan guud ahaan dalkaasi.

Ugu danbeytii, dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda in ay ka foojignaadaan taxadir badanna ka muujiyaan falalka dhacaya, hadba wixii soo kordhana la wadaagaan safaaradddooda dalka Koonfur Africa.

Hargeisa Press.com/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here