Dowladda Jabuuti oo iska-fogaysey eedayntii Somaliland

0
3241

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay iska fogeysay eedayntii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in Jabuuti martigalinayso jabhad ka soo horjeeda Somaliland.

Jabuuti, ayaa waxaa ay sheegtay in aanay jirin wax  jabhad ah oo ay martigalinayso oo ka dhan ah Somaliland, iyadoo eedayntii Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamtay waxba kama jiraan.

Wasiirka waasaaradda Maaliyada ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo qoraal ku baahiyay bartiisa X, ayaa waxaa uu mid aan raadlahayn ku tilmaamay hadalkii Madaxweyne Biixi.

Wuxuu sheegay inay ka xun yihiin eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, isagoona sheegay in Jabuuti ay tahay goob u taagan wadajirka iyo is dhexgalka gobolka, isla-markaana aanay wax Jabhad ahi ka shaqaynayn.

Wasiirka, ayaa ku dooday in Jabuuti ay waligeed ahaan doonto meel gobolka isku haysa oo aan kala qaybin, oo aanay waligood dhexgali doonin arrimaha guddaha ee jaarkooda.

Wuxuu sheegay in Jabuuti hore loogu eedayn jiray in ay Somaliland gacan ka siisay dagaalkii gobolka magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here