Dowladda Ingiriiska iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Ka Wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka

0
1802

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xafiiskooda ku qaabileen Wefti ka socda Xafiiska dowladda Ingiriiska ee Somaliland.

Weftigan ka socda xafiiska Ingiriiska, ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Ilyas Malek oo ay wehelinayaan saraakiil kale.

Kulanka, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wadahadleen arrimaha diyaar garowga doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka, ayaa iyaguna dhinacooda war-bixin ka siiyay weftiga hawlaha diyaar garowga doorashada ee imika socda sida dhamaystirka Sharciga ee Golaha Baarlamaanka, soo-saarista Liistada Kama-dambaysta ah Codbixiyeyaasha, iyo diyaarinta qorshayaasha & miisaaniyadda doorashooyinka (Election Timelines & Budget).

Waxayna weftiga Ingiriiska ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada komishanka doorashooyinka ee hirgelinta doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here