Dooddayda Ugu Dambeysa Ee Maal-Gashiga Marsada Berbera.

0
902
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

HargeisaPress —Berberi Somaliland miisaan weyn oo ku dabran ammuurro siyaasi ah, kuwa dhaqaale iyo duruufo amaan ayey ugu fadhidaa. Berberi Somaliland waxay u ahayd hal-bawlaha dhiigga haba iyo shaqada wadnaha ay ku tamarisay ee u suura-galiyey in aqoonsi la’aan Somaliland kharashaadka dawliga ah isaga filaato.

 

Inkasta oo ay Berberi ku taal meel Strategic ah oo marin u ah tamarta (world energy source tube) ugu badan ee adduunyadu halka ay marto, haddana in badan waxay kaliya u adeeg-gaysay si dabar ah uu u xihan hal il ay Somaliland oo kaliya ahi ka faa’ideysato (Closed Port).

 

Somaliland waxay u baahan tahay in ay korto oo ay awood-jimicsato si ay duruufo badbaado. In taa la helana waxay ku xidhan tahay in waxa hanti ah ee la haysto (economic mainstay) loo isticmaalo in dhaqaalaha lagu baleysimo. Hantida ugu weyn ee aynnu gacanta ku haynaa waa Marsada Berbera, waxa na la gaadhey xilligii si guud arrintaa la isku la garan lahaa.

 

Haddii se maanta Berber cid maal-galisa loo helay, waa in aan Berbera la faa’ido liidin ee waxa ay xaqa u leedahay ee ay u qalanto lagu sharfaa, ileen hore ayey innoo ciil-tirtey oo ay cadow innooga ceejisey eh. Haddii maanta Berbera maal $430 million ah oo lagu balaadhiyo lagu na dhiso loo la diyaar yahay, Berberi waa in ay sad ahaan ku heshaa maal-gashi idman oo haddana sidkan oo ay ku raysat, ku tartanto oo cadowna kaga nabad hesho.

 

Maal-gashiga Berbera waxa aan ka rabaa in uu sad ahaan u gooyo imkaaniyaadka hoos ku xusan oo dhan. Haddii kale anniga si naba iima cajabin doono maal-gashigani:-

 

  1. 16 Berth oo midkiiba ay tahay 1,200m dherer ahaan iyo 17 mitir oo qodniin hoose ah (water debth). Berth waa Blocks ka ay maraakiibtu dekedda kaga soo xidhannayaan.
  2. Marsada Cusub ee la balanqaadey waa in ay dhan tahay baaxadda ay ku fadhidaa 700 Hectares ama 7 km square.
  3. Qalabka Containers ka ah waa in ay leeyihiin Terminals u gaar ah oo dhan 23 Hectare.
  4. Cargo ga la soo roggayo waa in loo diyaariyaa baaxad dhan 60 Hectare oo laga daabulo lagu na soo roggo.
  5. Bulk Terminal ku waa in uu dhan yahay 20 Hectare. Goobtani waa goobta shidaalka u qaabilsan dekedda.
  6. Vehicle Yard ama meesha gawaadhida lagu soo roggo kuwa rarka sidaana ay ku daabulaan kana soo roggaan waa in ay dhan tahay 20 Hectare.
  7. Goobaha lagu kaydiyo commodities ka mihimka ah sida Steam Cold, Solid Fuels, and Pet Coke waa in ay dhan tahay 35,000 metre square.
  8. Waa in ay jiraan ugu yaraan 20 Warehouse oo ay dekeddu leedahay.
  9. Capsize Vessels area, oo ah meellaha ay maraakiibta iyo doonyuhu ku kala jeestaan waa in ay baaxad ahaan loo diyaariyey in ay noqoto 100,000 DWT.

 

Helista awooddan waxa saamixi kara in la helo farsamo fiican iyo siyaasad ka duuleysa arrintan. Qoraal kaamil ah waxa aan u diri doona oo faahfaahsan dawladda iyo gollaha wakiillada Somaliland. Anniga Berberi si gaar ah ayey wadnaha iiga ga taal, waana utunta kaliya ee ay Somaliland ka badbaadey.

 

Haddii inta kor ku xusan la helo oo qiime ahaan ku kacaysa $390 million waxa ay Berbera awooddeeda gaadhsiin kartaa in ay xamisho 95,000 oo tan sannadkiiba.

 

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here