Dood Kulul oo Dhexmartay Wasiirka Waxbarashada iyo Guddiga Arrimaha-Bulshada Ee Wakiillada

0
1286

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga arrimaha bulshada ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xaasaasi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta aqalka golaha Wakiillada Somaliland, ayaa guddiga arrimaha bulshadu waxaa ay wasiirka kaga xogwaraysteen arrimo badan oo ku aadan waxbarashada dalka, iyadoona dood aad xoogani ay dhexmartay labada dhinac.

Intii uu socday kulankani, ayaa guddiga arrimaha bulshada ee golaha Wakiilladu, waxaa ay Wasiirka weydiiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xaalada waxbarashada dalka, deeqaha waxbarasho ee ay Somaliland ka hesho dalalka dibbada, mashaariicda dhanka waxbarashada ee Hay’adduhu siiyaan wasaaraadda, lacago laga qaado Ardayda dugsiyada iyo tayadda aqooneed macalimiinta.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa guddiga joogtada ah ee arrimaha bulshada ee golaha Wakiillada uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen ee ku saabsanaa arrimaha waxbarashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here