Digniin ka timid Ciidanka Booliska Somaliland oo shacabka loo diray

0
3288

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa digniin culus u diray dadweynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Taliska Ciidanka oo qoraal ku baahiyay bogga baraha bulshada ee ciidanka, ayaa dadweynaha uga digay inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, laagaha, biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha biyo-mareenada ah, sababo la xidhiidha roobabka ka da’aya dalka.

“Sidaa la socotaan ayamahan waxa ka da’aayay deegaano kamida JSL Roobabka Xagaaga, haddaba waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada, degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada, Laagaha, Biraha Laydhka iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka ciidanka.

Taliska ciidanka, ayaa sidoo kale farriin u diray wadayaasha Gaadiidka, iyagoona ugu faray inay taxadar badan muujiyaan, xawaaraha gaadiidkana dhimaan, qataanna awaamiirta ciidanka nabadgalyada waddooyinka.

“Sidoo kale waxaannu faraynaa wadayaasha Gaadiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaadiidkana dhimaan, qataanna awaamiirta Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka.” ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here