Diblomaasiyiinta Mareykanka oo ka hadlay nidaamka lagu gelayo Doorashada Somaliland

0
5668

Washington (Hargeisa Press)- Diblomaasiyiinta Mareykanka ee falaanqeeya siyaasada ammaanka iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, ayaa waxaa ay ka hadleen nidaamka hubinta sawirka indhaha ee codbixiyeyaasha (IRIS-BVVS) ee ay Somaliland go’aansatay inay ku gasho doorashooyinka isku sidkan ee Madaxweynaha iyo ta Ururrada Siyaasadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 13ka November 2024.

Diblomaasiyiinta, ayaa soo dhaweeyay nidaamka hubinta sawirka indhaha ee codbixiyeyaasha (IRIS-BVVS) ee lagu gelayo doorashooyinka Somaliland.

Diblomaasiyiintan reer galbeedka ah ee falaanqeeya siyaasadda Geeska Afrika, ayaa ku diirsaday tallaabada ay toddobaadkii hore isku raaceen Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka ee ay isla qaateen in lagu shaqeeyo nidaamka hubinta indhaha ee IRIS-BVVS.

Joshua Maservey, ayaa sheegay in tallaabadani ay ka turjumayso sida  xukuumadda Somaliland uga go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Mr. Maservey wuxuu ku dooday in nidaamkani uu xaqiijinayo in aan la musuqin natiijada doorashooyinka.

Dhinaca kale, Dr. J. Peter Pham oo ah diblomaasi Mareykanka ah oo falaanqeeya siyaasadda iyo dimuqraadiyadda gobolka Geeska Afrika, ayaa sheegay inay Somaliland xoojisay hannaanka  dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxaanu majeertay nidaamka hubinta indhaha ee lagu galayo doorashooyinka Somaliland, isagoona barbar-dhigay doorashooyinka Soomaaliya oo uu iftiimiyay inay qardo jeex yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here