Hargeysa (Hargeisa Press)- Caddaa Al-Manaan oo Diblomaasi hore oo reer Suudaan ah isla-markaana ah xeel-dheere Axadha Afrika, ayaa sheegay in Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u deg-degayaan in Mareykanku aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Warbixinta Caddaa Al-Manaan oo lagu daabacay Telefishanka Aljazeera, ayuu ku sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallaa ay ka dhigtay mid muhiimad weyn leh oo quwadaha waaweyni u tartamayaan.
Caddaa wuxuu bayaamiyay in Somaliland ay ku taallo badda Cas iyo marin biyoodka caalamiga ah ee Baabul-mandab oo Boqolkiiba 12 uu maro ganacsiga caalamku, halka Boqolkiiba 40 ay maraan ganacsiga iskaga kala goosha Yurub iyo Aasiya.
Warbixinta lagu baahiyay Aljazeera waxa ay sheegtay in Somaliland ay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, iyadoo muddadaas ay dalkeeda ka hirgelisay nabadgelyo, dawladnimo shaqeynaysa iyo doorashooyin xor ah oo xukunka la iskugu wareejiyay si nabdoon.
Warbixinta uu qoray Mr. Caddaa Al-Manaan wuxuu ku sheegay in mid ka mid ah daraasaadka laga qoray aqoonsiga Somaliland ay daabacday Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsanayd Afrika, Jenday Frazer oo ku baaqday in Mareykanku aqoonsado Somaliland, isagoo u raacaya nidaamkii uu u maray aqoonsigii uu siiyay Kosovo sanadkii 2008kii.
Jenday Frazer waxa ay u daliishatay in la aqoonsado Somaliland inay leedahay dawlad shaqeynaysa, xudduud sugan iyo in aan laga rejo qabin in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya.
Waxa kaloo ay Mareykanka ku boorisay inuu saldhig millateri oo istaraataji ah ka samaysto Somaliland, si uu uga hortago saameynta sii kordhaysa ee Shiinaha.
Warbixintu waxa ay intaas ku dartay in khubarro ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump ee siyaasadda dibeddu ay danayneyaan inay ku guubaabiyaan Madaxweynaha Mareykanka in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayntii, Warbixintu waxay faahfaahisay marxaladihii Somaliland soo martay tan iyo xilligii gumaystaha, midowgii burburka sababay ee ay la gashay Soomaaliya iyo horusocodkii ay ka samaysay dhinacyada nabadgelyada, horumarka, dimuqraaddiyadda iyo dawlad dhiska 34kii sannadood ee ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii.