Dhalinyaro Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed + SAWIRRO

0
1122

HARGEISA, (HargeisaPress) — Qaar ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee ku jira Jaamacadaha Dalka, ayaa Xalay Shahaado Sharaf ku maamusay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Kayser Cabdillaahi Maxamed. Munaasibadda Shahaado Sharafta lagu guddoonsiiyey Wasiir Kayser oo Xalay lagu qabtey Huteelka Summer Time ee Magaalada Hargeysa oo ahayd Casho Sharaf, ayaa waxa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyey Guuleed Maxamed Yuusuf oo matalayey dhallinyarada Shahaado Sharafta ku maamuustay Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Somaliland. Guuleed, waxa uu sheegay in sababta ay Shahaado Sharafta ugu maamuseen Kayser Cabdillaahi Maxamed ay tahay inay doonayaan inay ka markhaati kacaan in muddadii uu ahaa Safiirka Wareegga ee Somaliland uu wax badan Qaranka u qabtay isla-markaana wakhti badan ku bixiyey sidii indhaha Beesha Caalamka loogu soo jeedin lahaa Somaliland,  maaddaama oo Dalka Somaliland yahay Qaran u baahan inuu xidhiidh Wanaagsan la yeesho Caalamka.

 

Guuleed Maxamed Yuusuf, waxa kale oo uu tilmaamay inay doonayaan in qof kasta oo dalkiisa wax u qabta loo muujiyo in Dadkiisu ka war-qabaan isla-markaana looga abaal-celiyo oo ugu yaraan Shahaado waxqabadkiisa caddeynaysa.

Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga 2

Ugu dambeyn, waxa halkaa ka hadlay oo Shahaado sharafta la guddoonsiiyey ka Mahad-celiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Kayser Cabdillaahi Maxamed, waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada Jaamacadaha Dalka qaarkood garteen inay ka abaal-mariyaan Shaqo diblumaasiyadeed oo uu Qarankiisa Somaliland u qabtay.

Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga

Kayser, waxa uu sheegay intii uu ahaa Safiirka wareegga inuu  wax badan oo ku saabsan Xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka qabtay, haddana uu diyaar u yahay inuu shaqada uu imika Qaranka u hayo ee Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga xilkiisa ka guto.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here