Degmada Wajaale Oo Ay Haysato Waddo Xumo + Qashin Iyo Dhiidhi Yaala Wadooyinka+ Maamulka Degmada Oo Ku Fashilmay Ilaalinta Nadaafada+ SAWIRRO

0
1173

TOG WAJAALE , (HargeisaPress) —Degmada Wajaale oo kamida degmooyinka waa way nee hoos yimaada gobolka gabiley ayaa waxa maalmihii u danbeeyeyba ka da’ayay roobkii gu’ga, waxaana degmada haysta wadoo xumo baahsan oo sababtay inay yaalan wadooyinka  biyaha roobka iyo waliba qashin.

Degmada Wajaale

Degmada togwajaale Ayaan iyadu lahayn habayaraaye wax wado laami ah marka laga reebo wadada soo gasha magaalada.

WAJ 2

Waxaana maamulka degmada tog wajaale ay tahli kari wayeen inay ilaaliyaan nadaafada degmada, isla markaana ay ka shaqeyaan horumarinta degmada dhisana wadooyin laami ah madaama ay kamid tahay meelaha ugu badan ee ay cashuurtu kasoo gasho.

WAJ 3

Halkan idiin muuqataa ee biyaha iyo qashinku yaalaan waa dawlada hoose degmada wajaale waxaana sida iidin muuqata buux dhaafiyay biyo dhiidhiya iyo waliba qashin, waxaana ay maamulka degmadu tahlikari wayeen inay ka shaqeeyaan nadaafada maadaama lagu guda jiro isla markaana uu da’ayo roobkii gu’gu.

WAJ

Arintan ayaa ah mid sababi karta xaalad caafimaad daro, waxaana bulshada degmada tog-wajaale ay iswaydiinayaan su’aalo la taxaluqa halka ay  marto cashuurta laga qaado dadka balse maamulk degmada wajaale ayaa iyagu noqday kuwo ka mashquulay ka shaqaynta horumarka degmada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here