Faro-Weyne, (HargeisaPress) —Guud ahaan Bulshada Somaliland dal iyo dibadba waxay u dabaal degayaan Xuska Maalinta Qaran ee 18-ka May oo ah markii Somaliland ku dhawaaqday Madaxbanaanideeda 1991, haddana laga joogo 24 sannadood.Degmada farawayne OO ku taal koonfurta magaalo madaxda Hargeysa, somaliland ayaa manta si weyn looga xusay 18-ka May .
Munaasibadan oo si baladhan loo soo agasimay ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Degmada Farawayne Faysal Maxamed Jamac, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cabdi (laba suul),Xildhibaan Axmed Daahir ,Xildhibaan Ilyaas ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa iyo dadweynaha Degmada Farawayne oo si balaadhan uga soo qayb galay