Hargeysa (Hargeisa Press)- Dab aad u xooggan ayaa ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaanu dabku si xooggan ugu faafayaa qaybaha kale ee Suuqa iyadoo khasaaraha ilaa hadda ka dhashay aan la qiyaasi karin.
Dabka oo noqonaya kii ugu weynaa ee ka kaca suuqa Hargeysa, ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay meherad Bakhaar ah oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Suuqa Waaheen, gaar ahaan dhinaca Dooxa Xigta, waxaana jira dedaallo ay isku dayayaan ciidanka dab-demiska oo baaxadda dabku ka xoog weynaatay.
Tan ayaa sababtay inuu dabku si xooggan ugu faafo qaybaha kale ee Suuqa, waxaanu xilligan dabku soo gaadhay faras-magaalaha Caasimadda oo ay ku yaallaan xarumaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada Zaadka.
Dowladda Hoose ee Hargeysa, Ciidanka Dab-demiska, ciidamada kala duwan ee caasimadda iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, ayaa qayb ka ah dedaallada lagu deminayo dabka.
Ganacsatadii lahaa meheradaha gubanaya, ayaa iyagu la arkayaa iyaga oo qof waliba wuxuu gacanta la gaadhay uu la cararayo, waxaana dadka qaxaya u badan dadkii meheradaha ku lahaa agagaarka suuqa gubanaya, oo ka cabsi qaba in uu dabku soo gaadho.
Dabka, ayaa waxa ku shuf-beelay meherado tiro badan oo ay leeyihiin ganacsatada daba-qadda Dhexe, gaar ahaan kuwa iibiya Bagaashka iyo dharka.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gaadhay suuqa Waaheen ee Dabku ka kacay, iyadoo ilaa hadda la xakamayn la’ yahay joojinta dabka oo ku fidaya qaybaha kale ee suuqa.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah we uu dabku gaystay naf iyo maal, maadaama weli lagu jiro halganka lagu deminayo dabka.