Hargeisa (Hargeisa Press) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Raalli-gelin ka bixiyey eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha UCID oo Toddobaadkan la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu cadow u yahay Somaliland, sidaasi darteedna aanay diyaar u ahayn in Jabuuti lagu qabto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, maaddaama buu yidhi uu Soomaaliya u xagliyo, Somaliland-na ka soo horjeedo.
Laakiin, Boqor Buur-madow oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jabuuti Xaal iyo Raalli-gelin ka siinayo hadalka Faysal Cali Waraabe, kana xun yahay in isaga iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd ay wax ka sheegaan Dad reer Somaliland.
Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo u waramay Telefiishanka HCTV ayaa la waydiiyey Cidda uu Matalo marka uu Raalli-gelintan bixinayo, ayaa ku jawaabay inuu Matalo Faysal Cali Waraabe.
Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.