Dawladda Hoose Ee Burco Oo Baaq U Dirtay Bulshadda Magaaladaasi

0
615

Burco (Hargeisa Press.com): Xubno ka tirsan golaha degaanka Burco iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda in ay ilaaliyaan nadaafadda maadaama oo la galay xili roobaad.

Sidoo kale masuuliyiintaasi ayaa uga digay Hilibleyaasha magaaladda Burco in ay xoolaha ku qalaan Kawaanka gawraca, isla markaana aanay dhici doonin in wixii ka danbeeya tobanka  bishan xoolo lagu qalo meel aan ahayn Kawaanka Gawraca.

Xildhibaanadan golaha degaanka Burco oo maanta  shir jaraa’id ku qabtay  magaaladda Burco waxay cod dheer baaq ugu direen bulshadda magaaladaasi oo ay ka codsadeen in ay ku dedaalaan ilaalinta nadaafadda.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka mid ahaa xubnihii shirka jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay bulshadda reer Burco in ay ka waan-toobaan dhaqanka ah in marka roobku da’o in ay qashinka raaciyaan biyaha.

Waxaanu sheegay xildhibaan Bidhi, in bulshadu ay qashinka saaraan gaadiidka dawladda hoose u diyaarisay marka ay soo maraan.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Masuuliyiintaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here