Dublin (Hargeisa Press)- Young Fine Gael, oo ah qaybta dhalinyarada ee xisbiga Fine Gael ee Ireland, ayaa ugu baaqay dawladda cusub ee Ireland inay dejiso siyaasad ay wax kaga qabato su’aasha ah Madax-bannaanida Somaliland.
Dawladda isbahaysiga cusub ee Ireland waxaa la dhisay bishii Janawry isbahaysiga xisbiyada midigta dhexe ee Fianna Fáil iyo Fine Gael halka ay sidoo kale taageerayaan tiro xubno madax banaan oo ka tirsan Dáil Éireann, aqalka hoose ee Ireland iyo golaha guud ee dawlada.
Baaqa ku saabsan mawqifka siyaasadeed ee dawladda Ireland ee soo socota ee ku aaddan madaxbannaanida Somaliland waxa si wada jir ah u ansixiyay guddiga caalamiga ah ee Young Fine Gael.
Cllr. Pierce Dargan, oo ah Xildhibaanka Gael Gael ee Glencullen Sandyford ee Golaha Deegaanka Dún Laoghaire-Rathdown, oo mooshinka u keenay Guddiga Caalamiga ah ee Young Fine Gael ayaa yidhi; “Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada saaxiibadeyda Young Fine Gael ay ugu baaqaan mawqifka qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ee dawladda cusub ee Ireland. Marka la eego Somaliland oo ahayd waddan is maamula soddonkii sano ee u dambeeyay oo ilaalinayey hannaanka dimuqraadiyadda, waa in beesha caalamku ka fiirsato aqoonsiga madax-bannaanideeda. Sidoo kale, marka la eego wararka sheegaya in maamulka Mareykanka ee iman doona uu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado Somaliland, waxaan qabaa inay muhiim tahay in dawladda Ireland ay diyaariso oo ay mawqif ka bixiso su’aashan.”
Xoghayaha Caalamiga ah iyo Guddoomiyaha Guddiga Caalamiga ah ee Young Fine Gael Shane Price ayaa faallo ka bixiyay isagoo leh, “Somaliland waxa ay haysatay dawlad xasiloon oo shaqaynaysa muddo ka badan soddon sannadood, qadiyadeeda aqoonsigu waxa ay mudan tahay in si weyn looga fiirsado. Ireland waxa ay had iyo jeer ahayd dal aad ugu ololeeya aayo ka tashiga iyo xuquuqul insaanka, waxaana lagama maarmaan ah in dawladu qiimayso mawqifkayaga gooni-isu-taagga Somaliland marka la eego is-beddellada u dambeeyay ee ka dhacay Mareykanka.
Guddiga caalamiga ah ee Young Fine Gael wuxuu ku boorrinayaa xukuumadda cusub inay ka qayb-gasho dooddan oo ay mowqif cad oo mabda’ leh ka qaadato arrintan.”
Hadalka Young Fine Gael, ayaa lagu sheegay in marka la eego wararkii ugu dambeeyay ee sheegaya in maamulka cusub ee Mareykanka laga yaabo inuu aqoonsado madax-banaanida Somaliland, in xukuumadda cusub ee Ireland looga baahan yahay inay dejiso siyaasaddeeda ku aaddan madaxbannaanida Somaliland.