Sida aan halkan hore ugu baahiyey waxa si rasmi ah loo xaqiijiyey Safarka Madaxweynaha ee Dalka Qatar, sida uu baahiyey Telefishanka Qaranku.
Tan iyo intii uu bannaanka u soo baxay safarka Madaxweyne Cirro, saacaddo ka hor, waxa isa soo taraya dareenka iyo su’aalaha ka dhashay Socdaalka Madaxweynuhu ugu kicitimi doono dalka Qatar.
Waa markii u horreysay ee Madaxweyne Somaliland ah uu socdaal ku tago dalka Qatar tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay la soo noqotay xoriyaddeedii luntay 1960-kii, waxaana Dawladda Qatar siyaasad ahaan Caan ku tahay taageerida Dawladda Somalia iyo u ololeynta midnimo Somaaliyeed, iyada oo si aan gabasho lahayn qayb uga noqota cidda imanaysa hoggaanka Somalia.
Safarkan madaxweynaha iyo Weftigiisa oo aan weli laga helin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan ujeeddada socdaalkiisa, ayaa abuuray su’aallo ku saabsan wax wakhtigan keenay iyo madaama oo aanu xidhiidh rasmi ah jirin qaabka uu ku bilowday xidhidhkan cusub.
Dawladda Qatar oo ah mid saameyn weyn ku leh siyaasaddaha adduunka, isla markaana door weyn ka qaadata xalinta iyo furdaaminta dhibaatooyin colaaddo ka taagan meelo ka mid ah adduunka, ayaa la ogeyn danaynteeda wakhtigan ee Somaliland, madaama sida warar xaqiijiyeen marti qaadku ka yimid dhinacooda.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo doorashada Madaxweyne Cirro ka dib ay taagan yihiin faylal xaasaasi ah oo ku saabsan Wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo taagnaa tan iyo dabaqaayadii 2023-kii, isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, danaynta Mareykanka ee Somaliland, qodobadan oo la rumaysan yahay in ay noqon karaa kuwa lagu soo qaadi karo kulamada Madaxweyne Cirro iyo Madaxda Qatar, madaama oo Qatar tahay dal arrimaha noocan oo kale ah dhaqdhaqaajisa.
Madaxweyne Cirro iyo Xukuumaddiisa oo aan inta badan faah faahin dheeraad ah ka bixin ujeeddada socdaallada ay dibedda ugu baxaan, ayaa safarkani yahay mid gebi ahaanba ka duwan kuwii hore ee uu ku bixi jiray, madaama oo ay tahay markii u horreysay ee Qatar oo uu tago Madaxweyne Somaliland, waxaana dareennada dadka muujiyeen salka ku hayaan in xog laga siiyo ujeeddada safarkan iyo faa’iidada Somaliland ugu jirta.
Madaxweyne Cirro oo safarkan uu ku tegayo Qatar noqonayo kii shanaad ee uu ku baxo tan iyo markii la doortay, isaga oo laba jeer tegay Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya, waxaana safaradaas hore qaarkood ka dhashay su’aalo ku saabsan qaabka xog waranka Madaxweynaha iyo Weftigii ee ujeeddada iyo natiijada safarka, marmar xog sugan laga waayey, ayaa waxa kordha wararka ku-tiri-kuteenta ah.
Saleebaan Saxansaxo