Geneva (Hargeisa Press)- Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Midowga Yurub Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in la joogo xilligii bulshada caalamka gaar ahaan dalalka EU-du aqoonsan lahaayeen madaxbannaanida Somaliland oo uu tilmaamay inay kaalin togan ka geysan doonto horumarka iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Danjire Kaysar, wuxuu xusay in Somaliland tahay dal buuxiyay dhammaan dhuruudihii looga baahnaa qaran madaxbannaan, isla markaana ay leedahay dawlad dimuqraadi ah oo shaqeynaysa iyo nabad cago adag ku taagan.
Waxaanu intaas ku daray inay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii oo laga joogo 34 sanno ka hor, kadib halgan qadhaadh iyo xasuuq ay dawladdii millateriga ahayd ee Soomaaliya u geysatay bulshada Somaliland.
Safiir Kaysar Cabdilaahi wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay wargeys laga leeyahay dalka Hungry oo la yidhaahdo NAPI,wuxuuna bayaamiyay in Somaliland ay ahayd dal uu xukumi jiray Ingiriisku oo ka xarowday 1960kii isla markaana 34 dal oo Mareykanka iyo Ingiriisku ka mid ahaayeen aqoonsadeen dawladnimadeedii.
Wuxuu ku dooday in midowgii Somaliland ay la gashay Soomaaliya uu u horseeday dulmi, cadaadis iyo dagaalo aakhirkii sababay inay Somaliland madaxbannaanideed ii la soo noqotay 1991kii.
Danjire Kaysar wuxuu shaaciyay inay Somaliland ka mid tahay meelaha ugu xasilloon Geeska Afrika, oo ay qabsatay doorashooyin xor ah oo lagu tartamay, isla markaana leedahay hay’ado dastuuri ah oo shaqaynaya.
Waxa kaloo Safiirka Somaliland ee Midowga yurub uu hoosta ka xariiqay in dalkiisu ka hortagtay budhcad-badeedda iyo argagixisada, oo ay ilaaliyeen amniga marin-biyood muhiim ah oo boqolkiiba 22 uu maro ganacsiga yurub.
Danjire Kaysar wuxuu farta ku fiiqay in Shiinuhu isagoo ka soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu xoojiyay cilaaqaadka uu la leeyahay Soomaaliya. Waxaanu xaqiijiyay in Shiinuhu uu ku lug yeeshay qas iyo falal amni darro oo laga abuuray deegaanno ku yaalla Somaliland.
Kaysar Cabdilaahi waxa kaloo uu sheegay in dalal dhowr ah ay xidhiidh la leeyihiin, laakiin aan weli si rasmi ah u aqoonsan Somaliland.
Safiir Kaysar wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay tahay dal muujiyey adkaysi, iyo karti siyaasadeed, loona baahan yahay in caalamku aqoonsado qarannimadeeda.